Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xubno kamid ah Gollaha Wasiirada Puntland oo booqasho ku tagay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyeen Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Puntland Caarshe Maxamed Siciid Aw Muuse, Wasiirka Beeraha Puntland Axmed Shire Siciid, Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdirixmaan Caydiid Ibraahim iyo Wasiir dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiiradda ayaa ujeedka booqashoodu ahayd u kuurgelida habsami u socodka shaqo ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, waxay mid mid u booqdeen qaybaha shaqo ee uu ka kooban yahay garoonku.

Madaxda Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso iyo saraakiisha amniga ayaa Wasiiradda kusoo dhaweeyay garoonka, waxayna uga warbixiyeen shaqo maalmeedka garoonka oo meel wanaagsan mareysa.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Wasiiradda kale ayaa ku ammaanay madaxda garoonka iyo saraakiisha amniga shaqada ay ka hayaan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.