Wasiirka Maaliyadda Dowladda Pauntland oo Shir Guddoomiyay shir lala yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya[Sawirro+Video]
GAROOWE – Wasiiro iyo mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa kulan kula yeeshay magaalada Garoowe wafti ka socday Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminaysay Madaxa Bangiga ee Soomaaliya Mrs Kristina Svensson.
Kulanka oo uu shir guddoominaayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayna ka qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtoyada, Agaasime ku-xigeenka Banggiga Puntland, Xisaabiyaha Guud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.
Shirka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay mashaariicda horumarinta ee Bangiga Adduunka ka fulinayo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Dowladda Puntland iyo Bangiga adduunku ka wada shaqeeyaan xoojinta Dowlad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan in hirgelinta Mashaariicdu noqdaan kuwa waafaqsan hannaanka Federaalka dalka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments