Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Shaqaale ka socday qaar ka mid ah degmooyinka Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa tababar usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha dowladaha hoose ee Puntland.
Tababarkan oo socday muddo 12 maalmood ah ayaa ahaa Habka Maareynta Xogta Maaliyadda, waxaana ka faa’ideysanayay degmooyinka kala ah Eyl,Bayla,Jariiban,Goldogob iyo Burtinle.
Tababarka ayaa waxaa ka qayb galay madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay ka mid yihiin Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee dowladda,Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada iyo Hay’adda UN-Habitat oo gacan ka geysanaysay Barnaamijkan.
Shaqaalaha ayaa tababarka lagu baray casharo ay kamid yihiin : –
- Aasaasiyaadka Tiknaloojiyada – (Basic I T Training).
- Sida loo Isticmaalo nidaamka FMIS sida
- Xafeynta Dakhliga.
- Bixinta Kharashka.
- Diiwaan gelinta daaraha.
- Diiwaan gelinta Gamacsiga.
- Diiwaan gelinta Gaadiidka.
- Iyo sida loo sameeyo warbixino kala duwan.
Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cali Jaamac Gaashaan, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo tababarada Cabdulqaadir Cali Ismaciil iyo Cismaan Maxamuud Cismaan oo ka socday Hay’ada UN-HABITAT ayaa shaqalaha Dowlaadaha hoose u rajeeyey in ay horumar ka sayaan degmooyinkii ay ka yimaadeen.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ayaa soo xiray tababarkan shahaadooyina gudoonsiiyey shaqaalaha Dowlaadaha Hoose ee Degmooyinka waxana uu kula dar-daarmay dar’dargelinta Dakhliga.
Tababarka ayaa kusoo dhammaaday si guuleh, waxaana lagu wadaa in casharadii ay barteen dib ugu faa’ideyaan degmooyinkii ay ka yimaadeen.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments