Wasiirka Xafiiska ka tagaya ee Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Xafiiska ka tagaya ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska banaynaya ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdulqaadir ayaa kulan Saagootin ah la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirada ayaa Madaxda iyo shaqaalaha ugu mahadceliyey mudadii ay soo wada shaqeeyeen guulo badana laga gaaray intii shaqada lagu guda jiray.
Wasiir Xasan Shire Cabdi iyo Wasiiru-dowle Maxamed Cabdulqaadir ayaa Madaxda iyo shaqaalaha ugu baaqay in la iscafiyo , waxana ay kula dar-daarmeen in dakhliga kor loo qaado Madxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyaddana si hufnnaan ah loola shaqeeyo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments