Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Warbixin ka dhageystat Madaxda Dakhliga iyo Xisaabaadka gobolka Nugaal[Sawirro+Muuqaal]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa maanta warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Dakhliga iyo Xisaabaadka gobolka Nugaal.
Waxaa qayb ka ahaa kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga iyo saraakiisha Dakhliga iyo Xisaabaadka ee gobolka Nugaal.
Kulanka ayaa lugu soo bandhigay warbixin la xiriirta dakhliga soo xarooday 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, goobaha dakhliga uu kasoo xarooday iyo qorshaha Dakhliga ee heer gobol si loo ogaado in kutalagalkii dakhli loo gaaray sidii loo qorsheeyay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa si gaar ah u faray mas’uuliyiinta dakhliga in dakhliyada ku baaqda notaayooyinka la dardargaliyo lana keeno qorshe gaar ah oo wax loo qabanayo maadama uu jiro caqabada u baahan in xal laga sameeyo.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dakhliyada ku waajibay kirooyinka daaraha, cashuurta macaash macaashka, cashuurta gaadiidka iyo shaqaalaha in kor loo qaado si loogu bixiyo adeegyada dawladnimada ee ina horyaal.
Ugu damabyn, Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa faray dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan in shaqada Dakhliga iyadoo ay Wasaaradu u jeesan doonto dardar galinta dakhliga gudaha si loo gaaro yoolasha Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments