Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Kastamka Maaliyadda Laanta Dusamada ee Gaalkacyo[Sawirro]
Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dawladda, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ayaa xariga ka jaray Kastamka cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda iyo dowladda hoose ee Galkacyo kaasoo laga hirgashay laanta Dusmada oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Gaalkacyo.
Ismaaciil C/nuur Geeseey xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay xaruntaan dhistay oo qalabaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
…”” Dhismahan waxa loo dhisay in lagu qaado oo lagu hubiyo dhamaan gaadiidka iyo badeecooyinka waana meel muhiim u ah kordhinta dakhliga dowladda”ayuu yiri
Xasan shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Puntland ayaa sheegay in wixi maanta ka horeeyay cashuuraha lagu qaadi jiray dhismayaal kiro ah balse maanta dowladdu dhistay meel ay iyadu leedahay.
Wasiirka ayaa xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ku amaanay inuu shaqo wanaagsan qabtay.
…”” Xisaabiyaha gobolku wiixi dhamaan xaafisyada darbigooda gudaha ku dhejiyy tariifadii oo daabacan taasina waxay shaqalaha u sahleysaa howsha cashuuraha “ayuu yiri
Wasiirka ayaa sidoo kale shaqaalaha uga digay musuqmaasuqa.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
0 Comments