Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Agaasimayaasha Dowladda(Sawirro)
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Tababar usoo Xiray Agaasimayaasha Dawladda.
Tababarkan loo qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka ayaa waxa soo qaban qaabiyay Madaxda Hanti Dhawrka Guud ee Puntland.
Soo afmeerida tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda,Gudoomiyaha Hanti Dhawrka Guud iyo Xisaabiyaha guud ee Dawladda.
Mudadii uu socday tababarkan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland C/risaaq Siciid Nuur ayaa ka hadlay dib u habeyn lagu sameeyay nidaamkii Maaliyadda ee xeerarkii hore iyo kuwo cusub oo dhowaan la dhaqan galin doono.
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda kala hadlay In ay soo xereeyaan Cashuurta Mashaariicda ay maamulaan.nala Daawo Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Wednesday, March 27, 2019
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi oo soo Xiray tababarkan ayaa Agaasimayaasha kala hadlay in ay Cashuurta ka jaraan Mashaariicda ay maamulaan dakhli soo saarna kala shaqeeyaan.
Tababarkan ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka Wasaaradda Qorshaynta Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimada.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
0 Comments