Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay Madax ka tirsan Xafiiska Horumarinta Kaalmada Caalamka ee Barwaaqo sooranka FCDO[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Guud ee DPL, Agaasime ku-xigeenka Dakhliga, La taliye sare ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxa Teknolojiyadda Wasaaradda ayaa maantay shir fogaan arag ah la yeeshay Madax ka tirsan Xafiiska Horumarinta Kaalmada Caalamka ee Barwaaqo sooranka FCDO.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Madaxda shirka fogaan arag ay la yeesheen waxaa ka mid ahaa Agaasimaha FCDO ee Xafiiska Soomaaliya, Madaxa Maamul wanaagga iyo Madaxa horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa looga wada hadlay mashaariicda horumarinta Puntland, gaar ahaan kuwa casriyeynta furdooyinka oo ay iska kaashanayaan FCDO (Foreign Commonwealth & Development Office) iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday si wanaagsan iyo in kulamo kale laga yeesho wada shaqeynta.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.