Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir kula qaatay Nairobi madax ka tirsan Hay’adda ASI – Adam Smith International[Sawirro]

NAIROBI – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ku sugan Nairobi ayaa shir halkaasi kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda ASI (Adam Smith International).

Waftiga Dowladda Puntland ee Wasiir Dhabancad hoggaaminayo waxaa ka mid ah Xisaabiyaha Guud ee DPL, Agaasime ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda iyo La taliye sare ee arrimaha Dakhliga iyo maamulka Maaliyadda.

Shirkan ayaa looga wada hadlay wada shaqeyn dhex marta Wasaaradda Maaliyadda iyo Adam Smith International ee mashaariic lagu hagaajinayo, laguna hormarinayo dakhliga iyo hannaanka cashuuraha Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.