Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Wasaaradda, Bangiga dowladda iyo Shirkadaha Xawaaladaha ee gaarka ah[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta shir guddoomiyey kulan u dhexeeyay Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dowladda, Bangiyada iyo Shirkadaha xawaaladaha ee gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala Puntland.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Guddoomiyaha Bangiga DPL Cabdirisaaq Warsame Seeraar, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cumar Saalax, Agaasimaha guud ee Bangiga Maxamed Faarax Maxamuud, Agaasime ku xigeenka Bangiaga Anisa Cabdiraxmaan iyo mas’uuliyiin ka socotay Bankiyada gaarka ah, sida Dahabshiil, Amal, Daryeel, Salaam, SOMBANK, Premeir iyo IBS Bank.
Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd xoojinta wada shaqaynta ka dhexaysa Hay’adaha Maaliyadda ee Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah wada shaqaynta dhexdooda iyo sidii bulshada loogu adeegi lahaa sida ugu wanaagsan.
Ugu damabayn Shirka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn mideysan iyada oo lagu shaqeynayo hannaanka maaliyadeed iyo sharci ee dalka u yaal.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments