Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo Shaqada Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shir guddoomiyey kulanka lagu dardargelinaayo shaqada Wasaaradda.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirku xigeenka dakhliga, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, kuxigeenka Xisaabiyaha guud, Agaasimayaasha Wasaaradda iyo shaqaalaha kala duwan.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardargalinta hawlaha shaqada Wasaradda, dib u habeynta qaab dhismeedka shaqada iyo shaqaalaha, Wasiirka ayaa shaqalaha kala hadlay qodobo ay ka mid yihiin.
1-Horumarin lagu sameeyey Xuquuqda iyo waajibaadka shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda.
2- Gudashada hannaanka shaqada ee laga rabo in shaqaaluhu u gutaan shaqadooda iyo isla xisaabtanka shaqo gudasho.
Ugu dambayn Wasiir Maxamed Abdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in la xoojiyo dardargalinta shaqooyinka, gaar ahaan xoojinta dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments