Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Madaxda Kalluumeysiga kala hadlay dardargelinta dakhliga dhanka Xeebaha Puntland(Sawirro)
BOOSAASO – Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiir Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa kulan ku yeeshay magaalada Boosaso.
Kulan waxaa kala qaybgalay Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Mudane Cabdi Warsame Qawdhan iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Kalluumeysiga.
Mas’uuliyiinta ayaa si qoto dheer uga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dowladda ee kasoo xerooda dhinaca xeebaha.
Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland ayaa dhankoda balan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaalka dhanka dakhliga xeebaha iyo dardar galinta kor u qaadista cashuuraha.
Baahintii






Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments