Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la kulmay mas’uuliyiinta Maaliyadda ee gobolada Karkaar iyo Sanaag(Sawirro+Muuqaal)

QARDHO – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Qardho ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ee gobolada Karkaar iyo Sanaag ee Puntland.

Kulanka Wasiirka, waxaa ku weheliyey Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobolada Karkaar iyo Sanaag ayaa wasiirka xog dheeri ah ka siiyey halka uu marayo dakhliga gobolada, habsami u socodka qaadista Cashuuraha iyo shaqooyinka Wasaaradda ee labada gobol.

Inta uu socday Kulanka waxaa si qotodheer looga hadlay meelaha ay ka jirto habacsanaanta dakhliga, Abuuriste ilo dakhliga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa u hoggaansanka cashuuraha iyo horumarinta adeegista cashuur bixiyaha.



Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi waxa ay ku hawlan yihiin dar-dar galinta dakhliga oo guulo wax ku oola horay looga gaaray sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa soo kormeeray xafiisyada shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee qQardho Iyo habsami u socodka shaqada, waxaana uu shaqaalaha iyo Mmas’uuliyiinta kula dar-daarmay xoojinta shaqada iyo kobcinta Dakhliga Dowladda iyo ka hortagga kontorobaanka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.