Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda Qandaraasyada Iyo iibka Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Qandaraasyada iyo iibka Dowladda Puntland.

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii loo hagaajin lahaa habsami u socodka qandaraasyada Puntland iyo dardar gelinta dakhliga ka soo xerooda qandaraasyada iyo iibka.

Guddoomiayah Hay’adda Qandaraasyada iyo iibka Puntland Mawliid Abokor Abkey ayaa sharaxay qaab dhismeedka  shaqo iyo hawlaha hortabinta leh ee ay hay’addu u qabato Dalka.

Ugu dambayn, Wasiir Dhabancad Ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee ay Hay’addu hayso, waxaana uu wasiirku ballan qaaday in Wasaaradda Maaliyaddu ay dardar gelinayso wada shaqaynta Shaqo ee ka  dhexaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo  Hay’adda Qandaraasyada iyo iibka Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.