Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray Waddada Sinujiif oo dayactir iyo dib u habeyn lagu wado(Sawirro)

QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo uga ambabaxey Garoowe ayaa booqday Wadada SINUJIIF oo lagu wado dayactir iyo dib u habeyn ballaaran.

Wasiirka ayaa kormeeray shaqada Waddada iyo sida ay u socoto, waxaana uu la kulmay mas’uuliyiinta Shirkada Albaashi ee oo gacanta ku haya dhismaha Waddada.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa Wasiirka uga xog-warramey habsami u socodka shaqada socota, waxayna si gaar ah u xuseen in ay qalab tayo leh galiyeen Buundada oo aad u muhiim ah.

Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo safarkiisa shaqo sii wata ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Imaanshihiisa Qardho ayaa salka ku haya ka qeyb galka tababar loo xirayo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.