Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga W/Maaliyadda Puntland (Sawirro+Video)

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xassan Shire Cabdi ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Dhismahan, oo socday bilihii u dambeeyay ayaa meel wanaagsan maraya, waxana Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay madaxda shirkada wada dhismahan.

Xasan Shire, ayaa bogaadiyay shaqada socota waxana uu booqday qeybaha kore ee dhismaha.

Mudane Xasan Shire Cabdi



Dhismahan, oo ka kooban sadex dabaq ayaa horay waxaa u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wahelyo Wasiirka Maaliyada.

Kharashaadka dhismahan ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Puntland, waana Cashuurtii laga qaaday shacabka oo dib loogu soo ceshay iyadoo lagu fulinayo mashaariic ballaaran oo ka qeyb qaadanaya horumarka ka socda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.