Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi aya kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari.

Wasiirka, ayaa Kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta, waxaana uu kulan la qaatay Madaxda Cashuuraha Berriga gobolka Bari.

Intii uu socday kulaan kaasi waxaa lagu soo ban-dhigay dakhliga ay soo xereeyeen iyo habsami u socodka shaqada.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa Masuuliyiinta iyo shaqaalaha kula dar-daarmay in ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan kor u qaadista Dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.