Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Waddooyinka ay ka socoto dayac-tirka ee Kalabeyr iyo Boosaaso(Sawirro)
BOOSAASO – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Waddooyinka ay ka socoto dayac-tirka inta u dhaxeysa Kalabeyr iyo Boosaaso.
Wasiirka, waxaa safarkiisa shaqo ku weheliyay Wasiirka Howlaha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxda Hay’ada Waddooyinka Puntland ayaa Wasiirada Maaliyadda iyo Howlaha guud xog dheeri ah ka siiyay hannaanka shaqo ee dib u-habeynta Waddada.
Xasan Shire Cabdi, oo la hadlay Warfidiyeennada ayaa sheegay in Dawladda Puntland ee ay hoggaaminayaan Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay ka go’an tahay in dib u-habeyn lagu sameeyo Kaabayaasha dhaqaalaha oo Wadooyinku halbawle u yihiin.
Waddooyinka Kalabeyr iyo Boosaaso ayaa dib u habeyn lagu sameynayaa 45-Buundo, waxaana ku baxaya Lacag dhan $ 840,000 taasoo ka timid Cashuurtii shacabka laga qaaday oo si wanaagsan loo maamuley.
Baahintii


























Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments