Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Dekadda Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer Shaqo ku tagay Furdada Dekadda Boosaaso.

Maamulaha Furdada Boosaaso iyo Taliyaha Saldhiga Dekadda ayaa Wasiirka uga warbixiyay shaqooyinka ka socda dekeda.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee shaqadu ka socoto ee cashuurista Badeecadaha ay keeneen Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Dhica kale wasiirka oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenka wasaradda Maaliyadda Cabdi Warsame Qawdhan iyo Wasiir Dowlaha Wasarada Maxamed Cabdiqaadir ayaa waxaa ay kulan la qaateen Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda iyado oo kulan kaasi looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.