Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee magaaladda Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland , waxa xarunta kusoo dhaweeyay Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Yuusuf Maxamed Yuusuf.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sidoo kale booqday xafiisyada iyo shaqaalaha ka howlgala xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaaladda Boosaaso.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa madaxda iyo shaqaalaha kula dardaarmay in ay bulshadda loo shaqeynayo la soo dhaweeyo loona adeeggo.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.