Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Nugaal[Sawirro+Muuqaal]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe iyo Agaasimaha guud Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyada ee gobalka Nugaal.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mukhtaar Cabdi Faarax iyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda, wuxuuna wasiirku mid mid u booqday xafiisyada xarunta.

 

Xisaabiyaha gobalka Nugaal, Saraakiisha xisaabaadka iyo dakhliga ayaa wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socoday uga warbixiyey shaqooyinka socda ee soo xeraynta dakhliga Canshuuraha gobalka Nugaal.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta gobalka Nugaal ee Wasaarada Maaliyada la qaatay kulan gaar ah isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan shaqooyinka ay gacanta ku hayaan oo uu ugu horeeyo kor u qaadista dakhliga, wuxuuna wasiirku balan qaaday inay kordhin doonaan kormeerada iyo ka warqabka shaqooyinka guud ahaan ka socda gobalada dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.