Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha Wasaaradda ee Dakhliga iyo Xisaabaadka gobolka Nugaal[Sawirro+Muuqaal]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntlamd Mudane Xassan Shire Cabdi oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa maanta kormeeray xarumaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Dakhliga iyo Xisaabaadka gobolka Nugaal.

Kormeerka waxa qayb ka ahaa Agaasimah Guud ee Wasaarada Maaliyadda Dr Maxmed Cabdi Cilmi, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga  Abshir Maxamed Abshir iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada gobalka Nugaal  Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa Wasiirka uga warbixiyey halka ay marayso shaqada Wasaaradda ee heer gobol iyo dar-dar gelinta canshuurha.

Sidoo kale Maamulayaasha  Dakhkiga ee gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey heerka uu gobalku ka marayo dakhli uruurinta.

Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta dakhliga ee kala duwan kulana  dar-daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada Dakhliga Isla markaasna ay xoojiyaan dardar galinta.

Gobolka Nugaal ayaa sameeyay koror Dakhli oo lagu amaanay iyadoo ay soo bandhigeen qorshayaasha hortabinta u leh dardar galinta Dakhliga ee bilaha ku dhiman Sanadka 2022.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.