Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay dhismaha xarunta Dakhliga ee gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa koormeer shaqo ku tagay dhismaha xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Kormeerkan ayaa salka ku hayay wax ka ogaanshaha halka uu maraayo dhismaha  xarunta oo heer gabogabo ah maraya.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Albaashid ee gacanta ku haysa dhismaha Wasaaradda ayaa Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay hannaanka shaqo ee socota taasoo dhowaan la soo af-meeri doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.