Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay Xarumaha Wasaaradda ee ku yaalla Boosaaso(Sawirro)

5EAAB489-09F5-431F-8B37-FFEF6BEA1CE2.jpg

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland kormeerkiisa waxa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda,Wasiirku Xigeenka Dakhliga,Xisaabiyaha guud ee Dawladda,Agaasimaha guud,Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waxaada Furdooyonka iyo madaxkale..

Boosaaso muuqaal kooban Kormeerkii Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu ku tagay Xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee Maagaaladan Boosaaso Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Wednesday, April 3, 2019

Xarumaha ay booqashada ku tageen Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminaayay ayaa waxaa ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Maaliyaada,kastamka Cashuuraha Garoonka,Xarunta Cashuuraha Berriga iyo goobo kale.

Masuuliyiinta Madaxda ka ah xarumaha uu Wasiirku booqaday ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay hab sami usocodka shaqada.

Kulamo gaar ah oo ay wada qaateen Wasiirka iyo madaxda Wasaaradda ee goobaha dakhli soosaarka ayaa looga hadlay dardaar galin dhinaca shaqada ah.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.