Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo komeer ku sameeyay xarunta Dakhliga Maaliyadda ee gobolka Nugaal(Sawirro)

GAROOWE -Wasiirka Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa koormeer shaqo ku tagay dhismaha xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Waxaa wasiirka Koormeerka ku waheliyey Guddoomiyaha Bangiga, Agaasimaha Bangiga, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Shirkada Albaashid ee gacanta ku haysa dhismaha xarunta ayaa Wasiirka uga warbixiyay halka shaqada ay u marayso iyagoona sheegay in dhawaan ay soo gaba-gabeen doonaan dhismahan.

Uga danbayntii Wasiir Xassan Shire Cabdi ayaa koormeeray qeybaha kale duwan ee uu ka kooban yahay dhisama Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.