Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Munaasabad lagu dardargelinayo Hannaan Doorashadda Qof Iyo Cod ee Puntland[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraaan Dhabancad ayaa magaalada Gaalkacyo uga qaybgalay munaasabad lagu dardargelinayo hannaan doorashada hal qof iyo hal cod ee ay wado Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa si gaar ah marti ugu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka warbixiyey geeddi socodka dimuqraadiyeynta iyo meesha uu marayo.

Bulshadii ka qay gashay ayaa si diiran u soo dhoweysay hirgelinta doorashada hal qof iyo hal cod oo ah geedi socod muddo lagu taamayey.

Ugu dambayn Wasiir Dhabancad oo munaasbadda kalmad Kooban ka jeediyey ayaa Bulshada ku dhiiri geliyey in ay taageeraan hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyadda, waxana uu sidoo kale ka warbixiyey qorshayaasha horutabinta leh ee Dowladda Puntland ee ugu horreeyaan horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.