Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay xukun lagu riday sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda(Video)

F59F4F26-C3D6-4137-9A1B-FDE2524DA128.jpg

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay xukunkii lagu riday Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Xasan Shire Cabdi ,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay xukunka lagu riday Sarkaalkan ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda in uu jawaab u yaahay qof kasta oo shaqaalaha Dawladda ah oo Hanti lunsasho iyo isticmaalka waraaqo been abuur ah sameeya

….Qof kasta oo shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo dambi gala oo Hanti lunsada waxa uu la kulmaayaa ciqaabta uu leeyahay,waana mid saamayn doonta qof walba oo ku haminaya kiiskan oo kale”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa baaq u diray dhammaan shaqaalaha Dawladda Puntland ee Dakhliga soo xereeya.

Boosaaso Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi "Xukunka lagu riday Sarkaalkan ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda waxa uu digniin u yahay dhamaan shaqaalaha Dawladda ee Dakhliga soo xereeya"Muuqaalka hoos ka daawo Baahintii Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Posted by Wasaaradda Maaliyadda Puntland on Monday, April 22, 2019

….’’ Waxaan baaq u dirayaa dhammaan shaqaalaha Dawladda Puntland ee Dakhliga soo xereeya in ay ka digtoonaadaan wax yaabaha sharaftooda wax udhimaaya hadaba si aysan taasi u dhicin ka digtoonaada”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa umahad celiyay Madaxda Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Barri, Taliyaha Ciidamada ilaalinta Cashuuraha Gobolka Barri iyo dhammaan Mas’uuliyiinta ka qaybqaatay in la soo qabto qofkii qalad gala.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.