Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Dooni dhawaan ka degtay ganacsato Puntland ah

B37DFF9F-356B-48EE-94DF-2D4767933C72.jpg

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay dooni dhowaan ku degtay dalka Caman una rarnayd ganacsato reer puntland ah.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland murugada la qaybsanayso ganacsatadii dhowaan hantidooda ku waayay doonidii degtay.

“Waxaan murugada la qaybsanaynaa ganacsatadii reer Puntland ee hantidooda ku waayay doonidii ku degtay dalka Cuman waxaan leenahay ilaahay ha idin siiyo badal khayr qaba ayuu yiri Wasiirku”

Doonidan degtay ayaa lagu magacabay 

CABDI KARIIN waxana lumay dhamaan hantidii saarnayd waxana ay ka soo caariday xeebaha dalkaasi Cuman.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.