Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Puntland kala hadlay Barnaamijka JPLG[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Guddoomiyayaasha degmooyinka uu ka shaqeeyo barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG.
Kulankan ayaa looga hadlay barnaamijka JPLG ee horumarinta degmooyinka Dowladda Puntland, kaas oo Wasaradda Maaliyaddu bixiso qoondada Dowladdu ku bixiso horumarinta degmooyinka.
Kulankan intii uu socday sidoo kale waxaa looga hadlaay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sare u qaadista dakhliga.
Ugu dambayn shirkaan ayaa la isla qaatay in horaanta Sanadka 2023 la qabto shirweyne lagu nidaaminayo mideynta canshuuraha Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments