Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Garoowe Shir kula qaatay Wafdi ka socda Bangiga Adduunka[Sawirro]
Wefti ka socda Bankiga Aduunka ayaa manta kula kulmay Xafiiska Garoowe ee W/Maaliyadda Madaxda Sar-sare ee Wasaaradda, Weftigaas waxaa hoggaaminayay Mr. P. Kumaar oo u qaabilsan Bankiga aduunka dhinaca Dhaqaalaha.
Weftigaas waxay la Kulmeen Madaxda kala ah:
- Wasiirka Maliyadda
- Agaasimaha Guud Maamulka
- Agaasimaha Guud ee Furdooyinka
- Agaasimaha Guud ee Canshuuraha Berriga
- Xisaabiyaha Guud
- Iyo PFM,RCRF, FMS
Shirkaas waxaa looga wada hadlay guud ahaan arrimaha dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, Cashuuraha Beriga iyo Furdooyinka, Xawladaha, Qurba joogta, Maalgelinta, wax wada wadaaga sida PPP iwm.
Shirkaas wuxuu ku soo gabaga-gaboobay jawi wanagsan oo is afgarad leh.
Madaxa Website W/Maaliyadda
Garoowe
0 Comments