Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dib ugu soo noqday Garoowe[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire oo hawlo shaqo ugu maqnaa gobolka Mudug ayaa Garoowe dib ugu soo laabtay
Safarka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawishta iyo Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.
Wasiirka Maaliyadda intii uu safarkiisa ku guda jiray waxaa uu booqasho iyo salaan ugu tagay Degmada Xarfo iyo deegaanka Kalabayr oo Ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal Suladaan Siciid Maxamed Garaase iyo Suldaan Maxamed Maxamuud cilmi oo ka mid ah Isimada dhaqanka Puntland.
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u-habeynta Ciidamada safarkii shaqo ee gobolka Mudug waxaa uu ku soo dhammaaday si guul ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments