Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dhagax dhigay Bangiga Dowldda Laantiisa Boosaaso(Sawirro)
BOOSAASO – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo u yeelanyo Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland laanta Boosaaso.
Munasabada dhagax dhiga dhismahan cusub ayaa waxaa goob jooga ka ahaa Maamulka Bangiga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Maamulaha Bangiga ayaa sheegay in dhismahan uu ka qeyb qaadan doono shaqada Bangiga, baahi wayna loo qabay in lagu kor dhiyo Bangiga.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa dhankisa xusay ahmiyada dhismahan uu u leeyahay Bangiga oo ah xarunta ay dhaqaalaha ku kaydiso Dowladda Puntland
Baahintii







Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments