Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka Horgeeyey Miisaaniyada sannadka 2016-ka [Cod]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta horgeeyey Baarlamaanka Puntland maanta oo Isniin ah Miisaaniyadda sannadka 2016-ka.
Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad dheer Gollaha Baarlamaanka hortiisa ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka duwan tahay tii hore lagu soo dhaqmayey sannadkii 2015-ka.
Waxa uu sheegay in iney miisaaniyaddu xal u raadineyso in dowladu ku dhaqanto ,iyadoona ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha laga filaayo caalamka gaar ahaana Bangiga Adduunka.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in dakhliga dowladda lixda bilood ee sannadka 2016 ee ugu horreysa uu noqonayo $5,843,193 Dakhligaas oo u kala qaybsan Dakhliga Gudaha iyo Dakhliga laga filayo dibada ,Dakhliga Gudaha $4,800,000 ,Dakhliga Dibada laga filayo $ 1,043,193.
Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in miisaaniyadda sannadkii 2015-ka ay wax badan iska bedaleen Lixdii bilood ee u danbeysay isla mar ahaantaana uu kharash aad u badan uu galay gobolka Mudug.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa la filayaa iney kalfadhigooda uga doodaan Miisaaniyadda sannadka 2016-ka ayna meel marin doonaan ama wax iska bedel ku sameyn doonaan.
Waaxda Warbaahinta
0 Comments