Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa galabta  kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo ugu horeeyo Agaasimaha Guud, Kuxigeenka Agaasimaha Guud (dakhliga), Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa isxog wareysi iyo in Wasiirka warbixino laga siiyo shaqooyinka ka socda Wasaaradda.

Mudane Wasiir Dhabancad ayaa ku booriyay hawladeenada inay dardar galiyaan hawlaha shaqo ee Wasaaradda ee hortabinta leh isla markaasna uu la fariisan doono Xafiisyada oo dhan sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee dalka loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.