Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wasiirka Dekadaha oo kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DP World[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekaddaha Dowladda Puntland ayaa maanta kulan kula yeeshay gudaha Dekadda mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa qorshaha ballaarinta Dekadda magaalada Boosaaso taasoo dhawaan la bilaabi doono ballaarinteeda.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Agaasimaha Wasaaradda Dekaddaha, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda ka socotay Shirkadda DP World.
Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha shaqo iyo adeegyada bulshada loo hayo ee Dekadda Boosaaso, lagana dhigo mid casriya si bulshadu u hesho adeeg deg deg ah, lagana shaqeeyo in kor loo qaado dakhliga.
Sidoo kale Kulanka intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay dhismaha iyo ballaarinta dekadda oo dhawaan bilaabanaya iyo sidii la isaga kaashan lahaa in aan wax caqabad ah ku iman habsami u socodka shaqada Dekadda.
Ugu dambayn kulankan ayaa laysku raacay in saddexdii biloodba mar ay qabsoomaan kulamo noocan oo kale ah loona saaro farsama yaqaaniin soo turxaan bixiya howlaha shaqo ee loo baahan yahay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments