Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Kastamka Falayryaale ee gobolka Sool(Sawirro)
FALEYRYAALE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Cabdi Warsame “Qawdhan”,Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo Agaasimaha Furdooyinka Puntland Mahdi Cabdiqaadir Faarax Qambi ayaa booqasho ku tagay Kastamka Falayryaale ee gobolka Sool.
Booqashada Wasiirka ayaa ka mid ahayd qorshaha dar-dar galinta dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda taasoo ah ahmiyadda 1-aad ee Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa ka dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan dar-dar galinta shaqada dakhliga ee gobolka Sool Madaxa Kastmaka Faleyryaale, iyadoo uu kula dardaarmay dar-dar galinta hawlaha dakhliga.
Ugu dambeyn Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa wada hindise cashuureed horumarineed si loo gaaro yoolka Wasaaradda Maaliyadda oo ah Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib udhiska Dalka.
Baahintii









Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments