Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya[Sawirro]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Alexes Abiar oo hawlo shaqo u jooga Puntland.
Madaxda Wasaaradda iyo Madaxa Bangiga Adduunka oo ku kulmay Garoowe ayaa kawada hadlay arrimo la xiriira mashaariicda tayeynta iyo dib u qaabeynta shaqaalaha dowlada ee uu Bangiga adduunku la wado dowladda Puntland.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Bangiga adduunka usoo bandhigtay xogo la xiriira nidaamka casriga ah ee Wasaaraddu ku shaqeyso iyo qaabka mashruuca tan iyo intii uu bilowday.
Sidoo kale kulanka labada dhinac ayey isku weydaarsadeen khibrado la xiriira wadada loo marayo kor u qaadida dhameystirka mashruuca si guul looga agar hawlaha inta ka harsan.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa warbaahinta hadal kooban siiyey kadib markii uu kulanku soo dhammaaday.
Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisu ahayd tayeynta iyo dib u casriyeynta shaqaalaha Wasaaradda iyo tababaro joogto ah la siiyo shaqaalaha si ay u fududaato u adeeggida shacabka Puntland.
Mashruuca tayeynta shaqaalaha iyo dib u qaabeynta dowladda oo Bangiga adduunku ka caawinayo dowladda ayaa mudadii uu shaqeynayey guulo waaweyn laga gaaray,waxaana laga dareemay in ay sare u kacday hannaanka shaqo ee xarumaha sida tooska ah mashruucan uga hawlgalayey.
Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
Garoowe
0 Comments