Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay(Sawirro)
BOOSAASO – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo mudooyinkii Danbe ku maqna dalka dibadisa ayaa maanta yimid magaalada Boosaaso.
Wasiirka oo ka soo deegay Garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaa halkaasi ku soo dhaweyay Agaasime ku-xigeenka Dakhliga, maamulka garoonka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.
Wasiirka ayaa koormeer shaqo ku tagey dekeda Boosaaso gaar ahaan Kastamka Wasaaradda, waxaana Wasiirka ku waheliyay kormeerka shaqo Agaasime ku xigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, waxaana Kastamka Furddada Boosaaso ku soo dhoweeyay Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf.
Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Maamulaha waxana uu uga warbixiyay shaqada socta.
Wasiir Xasan ayaa shaqaalaha Wasaaradda ku booriyey in ay xoojiyaan shaqada ay u hayaan bulshadda ee cashuurista Badeecadaha.
Baahintii
















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments