Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Shirka Dardargelinta Shaqada W/Maaliyadda Puntland[Sawirro+Muuqaal]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay soo xiray Shirka dardargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo maalintii labaad ka socday hoolka shirarka ee hotel Martisoor.
Shirka oo ay ka qaybgaleen Wasiirada Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha qaarkood, Xisaabiyaha Guud Kuxigeenka, Xisbiyayaasha Gobolada iyo Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkaasi markii uu soo idlaaday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa la hadlay Xafiiska Wacyi gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka ayaa boggaadiyay Shaqaalaha dakhliga soo saara ee Wasaaradda, waxaana uu sheegay in ay dadaalkooda dakhli soo saar ay tahay midda ay ku dhisan tahay dowaldnimada Puntland.
Intii shirkaasi socday ayaa halkaasi lagu soo bandhigay hannaanka qaadista dalkhiga iyo shaqooyinka Dakhliga. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay dhiirigalinta iyo xuquuqaadka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiir Dhabanacad ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay qaadanayso hannaan cusub oo dakhli xerayn ah, gaar ahaan in lacagta canshuurta ah ee laga qaado bulshada ay si toos ah ugu dhacdo Bangiga Dowladda Puntland halka markii hore telefoon ku dhici jirtay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa la hadlay bulshada Puntland ee canshuur bixiyaasha ah, asagoo u sheegay in Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay xil weyn iska saartay ka shaqeynta hannaanka Dowlnimada Puntland. Wasiirka ayaa xusay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay lacagta dakhliga ah dib loogu celiyo danta guud, ayna mar walba diyaar u yihiin daah furnaan iyo isla xisaabtan.
Wasiirka ayaa ka codsaday Bulshada Reer Puntland in ay doorkooda ka qaataan kobcinta dhaqaalaha, hirgelinta doorashooyinka Dimuqraadiga ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta amniga Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments