Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Dakhliga iyo Xisaabiyaasha gobolada[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Agaasimayaasha waaxyaha Dakhliga iyo Xisaabiyayaasha gobolada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiir Dhabancad kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi iyo ku xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan

Kulankan ayaa looga hadlay habsami u socodka shaqooyinka gaar ahaan kor uqaadida Dakhliga iyo isku xirka shaqooyinka Xisaabiyaasha gobolladda iyo waaxyaha Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in kulanka uu ahaa kulan muhiim ah oo ku aadan shaqooyinka, sidoo kalena diirada la saaray dakhli soo saarka waxana uu u mahad celiyay cashuur bixiyaasha Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.