Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir guddoomiyay shirka Mashaariicda Bangiga Adduunka ee ka socda Puntland[Sawirro+Muuqaal]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa shir guddoomiyey Kulan looga hadlayey mashaariicda Bangiga Adduunka ee ka socda Puntland.

Shirkan waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ka qayb galay Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya mashaariicda  Bangiga Adduunka.

Wasiirada ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Waxbrashada,Ganacsiga, Xiriiriyaha Baniga Adduunka ee Puntland, Hay’adda shaqaalaha rayidka, Hantidhawraha Guud, Xisaabiyaha guud iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha.

Kulanka oo saacdo badan qaatay kadib waxaa soo baxay in mashaariicda qaybo ka mid ah inaysan waafaqsanayn hannaanka Dowlad dhiska Soomaaliya ee Federaalka Lagana maamulaayo hal meel oo ay Dowladda Puntland horey uga digtay.

Golaha Wasiiradda ayaa kulan kaasi kadib waxaa ay u saareen koox baaris ku samayn doonta mashaariicda Bangiga Adduunka ee Puntland loo qorsheeyey si Puntland uga gaarto go’aan ku qotoma hannaanka fulinta Mashaariicda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.