Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir guddoomiyay Shirka Arrimaha Dakhliga iyo Dhaqaalaha ee Puntland[Sawirro+Cod+Muuqaal]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa shir guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dakhliga iyo dhaqaalaha, kaasoo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe.
Shirka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa , Wasaaraduhuna uga wada qayb qaadan lahaayeen dhaqaalaha iyo kobaciisa gaar ahaana in la dardar geliyo dakhliga iyo sare u qaadkiisa.
Shirka ayaa arrimaha kale ee looga hadlay waxaa weeye sidii caqabadaha iyo meelaha dal-daloolooyinka ka jiraan la isaga kaashan lahaa, waxaana la isla qaatay qorshayaashii lagu dabooli lahaa dal-daloolooyinkaas taasoo dhiirigelin doonta dadka reer Puntland iney bixiyaan qaaraamaadka iyo cashuuraadka lagu leeyahay taasoo saacidi doonta in uu sare u kaco dakhliga dowladda , dawladuna fuliso waajibaadka lagu leeyahay ee dhanka horumarinta ah.
Wasiir Dhabanacad ayaa xusay in sanooyinkii u dambeeyay xaaladihii jiray sida xanuunkii Karoonaha iyo abaaraha ay sababeen in hoos u dhac ku yimid dakhliga iyo dhaqaalaha taasina ay keentay iney isaga yimaadaan sidii ay si wadajir wax uga qaban lahaayeen dakhkiga iyo dhaqaalaha.
” Waxaan wada ogsoonahay in sanooyinkii hadda la soo dhaafay ama ha noqoto xaaladii Karoonaha 2019-ka dhammaadkeeda , 2020 soo bilaabatay ama ha noqoto abaaraha soo laab laabtay iney keeneen hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha , dakhligiina uu hoos u dhacay arrintaas ayaa Wasaaradaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dakhliga iyo dhaqaalaha ee ay Wasaaradda Maaliuadda u tahay hormuudka ay isaga yimaadeen Wasiiradii, Agaasimayaal, howlwadeeno iyo La-taliyaal.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in rajo weyn uu ka qabo in bilaha iyo sanooyinka soo socda dhaqaalaha Puntland uu kor u kaco , juhdi badana la geliyo sidii sare loogu qaadi lahaa dakhliga dowladda , loona tashiili lahaa kharashka laftiisa.
Si kastaba ha ahaatee shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dardar gelinta dakhliga iyo dhaqaalaha Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland.
0 Comments