Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Abdi ayaa shir Guddoomiyay kulanka Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Kulankaan ayaa looga hadlayey dar-dargelinta shaqooyinka Wasaaradda iyo xoojinta ku dhaqanka Qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.
Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasinka Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ka dhageystay warbixino la xiriira horumarka Wasaaradda iyo Guud ahaan shaqada ,isaga oo kula dar-daarmay mas’uuliyiinta inay sii laba jibaaraab howlaha Wasaaradda si loo gaaro yoolka la tiigsanayo.
Ugu dambeyn, Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa waday dadaalo kor loogu qaadayo habsami u socodka shaqada, kobcinta dakhliga iyo adkaynta Isla xisaabtanka shaqaalaha iyo mas’uulinta waaxyaha.
Baahintii












Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
0 Comments