Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dhakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa maantay safar shaqo ku tagey Magaalada Boosaaso.

Waftiga ayaa booqday Kastamka Kantaroolka Boosaaso, waxaana ay la kulmeen Maamulaha, Taliyaha Booliska rugta, iyo hawl wadeenada Kastamka.

Mas’uuliyiinta Kastamka ayaa xog ka siiyey Madaxda hawlaha shaqo ee kastamka gaar ahaan arrimaha dakhliga iyo amniga.

Madaxda Wasaaradda ayaa sidoo kale kormeer shaqo ku tagey Dekadda Boosaaso, halkaas oo ay kula kulmeen Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka hawl gala Dekadda iyagoo warbixin ka siiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda habsami u socodka hawlaha Furdada.

Wasiirka iyo Waftiga uu hoggaaminayo ayaa soo dhexmaray Dekadda xili ay socotay dejinta iyo cashuurista badeecadaha ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa ku boggaadiyey mas’uuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda shaqada baaxadda leh ee ay dalka u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.