Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Nairobi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda USAID

NAIROBI – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay magaalada Nairobi ayaa maanta shir la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee dalka Mareykanka.

Shirka oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland, Agaasime guud Ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo La taliye sare oo ka tirsan Wasaradda Maaliyadda.

Waftiga Wasaaradda Maaliyadda DPL iyo mas’uuliyiinta hay’adda USAID ayaa ka wada hadlay xaaladda horumarineed ee Puntland iyo mashaariicda horutabinta u leh, gaar ahaan barnaamijka dimuqraadiyeynta, dib habeynta amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirka ayaa sidoo kale looga wada hadlay doorka hay’adda USAID ee mashaariicda dhiirgelinta dhaqaalaha, gaar ahaan wax soo saarka iyo shaqo abuurka iyo waliba xoojinta ka soo kabashada saameynta arrimaha bini’aadanimada.

Sidoo kale Wasiirka iyo waftigiisa ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradaha dalalka Switzerland iyo Denmark iyo hay’ado/Shirkado kale oo ka hawlgala Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya sida ASI, KPMG iyo ARES.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Wasiir Dhabancad ayaa kulamadooda xooga ku saaray in daneeyayaasha Beesha Caalamka ay Puntland gacan ka siiyaan hirgelinta dimuqraadiyeynta, adkeynta nabadda iyo horumarinta dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.