Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Xisaabiyayaasha Wasaaradda ee gobolada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyada ee gobaladda Puntland.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Ku-simaha agaasimaha guud,ku-xigeenka Agaasime guud ee dakhliga iyo hawlwadeeno kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu falanqeeyey dardargelinta shaqooyinka kala duwan ee Wasaaradda Maaliyada ee ka socota gobaladda.

Xisaabiyayaasha gobalada ayaa soo bandhigay waxqabadkooda iyo qorshayaashooda shaqada, waxayna mas’uuliyiinta Wasaaradu ballan qaadeen inay xoojin doonaan ka war qabka iyo wada shaqaynta mas’uuliyiinta gobaladda ee Wasaarada Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyey xisaabiyayaasha in ay xoojiyaan kormeerka, dabagalka iyo dardargelinta dakhliga ee gobaladooda, wuxuuna Wasiirku intaas ku daray inay kulamada noocan ah la joogteyn doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.