Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Madax ka socotay Bangiga Adduunka(Sawirro)
GAROOWE – Waxaa ku soo gabagaboobey xarunta Wasaaradda shir u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Bankiga Adduunka.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda horumarinta hanaanka Maaliyadda, dib u habeynta Maamulka Maaliyada iyo Cashuuraha Bankiga Adduunku uu ka taageero Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Kulankan oo socday muddo saddax bari ah ayaa la isla eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar galinta mashuurca PFM/DRM , guulihii/natiijadda la gaaray, sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaadayba.
Hawl wadeenadda, ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira waxqabadyadii la gaaray iyadoo la dul istaagay shaqooyinka la qabtay iyo hababka loo qabtay, waxaana laga sameeyay dood furan oo la isla fahmay.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi (Hasan Abgaal) ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta ka socda Bankiga Adduunka isagoo ku booriyay in ay sii kordhiyaan wada shaqeynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland,.
Wasiirka ayaa Madaxda Bankiga Adduunka ee Mashaariicda PFM/DRM kula dardaarmay in mashaariicda si toos ah loogu soo hagaajiyo Dowladda Puntland madaama ay fashilmeen mashaariicdi la soo marshay DF ee Soomaaliya.
Baahintii



















Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments