Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Wafti ka socday Bangiga Adduunka(Sawirro+Video)
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo booqasho ku yimi Puntland.
Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi iyo Madaxa mashruuca PFM ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Xaashi.
Inta u socday shirka Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo wafdiga Bangiga Adduunka waxaa ay ka wadada hadleen mashaariicda Bangiga adduunku uu Puntland horay uga hirgaliyay iyo mashaariic dhowaan la daah-furi doono.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments