Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Furdada Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo u weheliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha Furdada Boosaaso.
Wasiirka iyo Wasiir dowlaha Maaliyadda Puntland waxa kusoo dhaweeyay Furdada Boosaaso Maamulaha Furdada, kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha Furdada.
Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka iyo Wasiir dowlaha kusoo dhaweeyay Furdada Boosaaso, wuxuu uga warbixiyay shaqada Furdada oo meel wanaagsan mareysa iyo xaaladda shaqaalaha ka shaqeeya Furdada Boosaaso.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo shaqaalaha Furdada Boosaaso la hadlay ayaa marka hore ku ammaanay shaqada naf-hurnimada leh ay u hayaan shacabkooda.
Wuxuu sheegay Wasiirku in kulankan uu yahay mid sharaf u ah iyaga iyo shaqaalaha Furdada, Isagoona sheegay in uu wax badan ka qaban doono cabashadda dhanka xuquuqiyaadka ah ay Wasiirka usoo gudbiyeen shaqaalaha Furdada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in shir ay la qaateen ganacsatada, dhawaana ay ka shaqeeyaan in dekeddu marka la ballaariyo ay shaqeyso 24-saac taasina looga baahan yahay shaqaalaha shaqo naf-hur ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments