Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Maaliyadda ee ku sugan Dekedda Garacad[Sawirro+Muuqaal]

GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu wehiliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa kulan la qaatay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Dekadda Garacad.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasima guud ee Wasaaradda Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi, Agaasime Guud kuxigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Agaasimaha Furdooyinka Mahdi Faarax Qambi, Xisaabiyaha Wasaaradda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay, Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Dhabancad ayaa uga mahadceliyey sida ay qayb uga qaateen furitaanka munaasabaddii quruxda badaneyd ee Dekedda Garacad wajigeeda 1-aad lagu daah furayey taas oo si guul ah ku soo dhammaatay.

Sidoo kale Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa si weyn looga hadlay shaqada baaxada leh ee u taala Wasaaradda Maaliyadda iyo cashuurista badeecadaha uu wado markabka Barwaaqo ee Dekadda ku xiran iyo shixnadaha ganacsi ee hada kadib imaan doona.

Dhinaca kale maamulka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda  ayaa tababar u furay shaqaalaha cusub ee Dekadda, tababrkaas oo la xiriira hawl socod siinta iyo qaab dhismeedka shaqada Dekadda cusub ee Garacad.

Ugu damabayn Wasiir Dhabancad iyo Wasiir Caarshe ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan mas’uuliyiinta Dakhliga iyo Furdooyinka waxaa ay fareen in shaqo hufan kuna dhisan nidaamka maaliyadeed ee Dalka looga hawl galo hawl socodsiinta baaxadda leh Dekadda Garacad, iyada oo Wasaaraddu dejiyeen nidaam casri ah oo ay ku aadan cashuurista  Badeecadaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.